Mujaahidiinta oo Gaadiid Gaashaaman Kula Wareegay Weerarkii Ilbaq.

Aug 13, 2024

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarka cagmarinta ah ee saaka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Ilbaq, ee hoostaga duleedka degmada Balcad ee wilaayada Sh/dhexe.

Howlgalkan cagmarinta ah oo u dhacay sidii loo qorsheeyay, ciidamada mujaahidiintuna gacanta ku dhigeen guud ahaan xerada, ayay sidoo kale saraakiisha ciidanka mujaahidiinta ee ku sugan jiidda hore soo sheegeen in lagu qniimeystay gaadiid millatari oo ay lahaayeen saliibiyiinta iyo agabyo kala duwan oo kuwa ciidanka ah.

Saraakiisha ciidamada mujaahidiinta oo la hadlay idaacada Andalus, ayaa xaqiijiyay in weerarkan cagmarinta ah lagu soo qaniimeystay gaadiid gaashaaman oo ay lahaayeen ciidamada saliibiyiinta Burundi ee saldhiggaasi isaga cararay, kuwaas oo ay ku wareejiyeen maleeshiyada kooxda Ridada Somalia, iyo sidoo kale gaadiid kale oo ay lahaayeen maleeshiyaadka cagta la mariyay.

Si aad xog badan uhesho toos udhagayso Idaacadda Andalus oo tabineysa cagmarinta Murtadiinta deegaanka Ilbaq

Somali MP3