10 Qof oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku noqday duqayn ka dhacday deggaanka Qandala.

Jan 28, 2025
Wararka ka imanaya deggaannada uu ka arrimiyo maamulka  ridada Puntland ayaa sheegaya duqayn culus oo xalay lagu beegsaday qoys deggenaa miyiga deggaanka Sixna oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.
Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe) oo ah guddoomiyaha magaallada Qandala ee gobolka Bari ee maamulka Puntland, ayaa xaqiijiyey in fiidkii xalay ay dhacday duqayn diyaaradeed oo ay ku dhinteen 4 qof, 6 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhammaantood ahaa isku qoys sida uu carabaabay.
Mas’uulkani ma uu sheegin, waanu ka gaabsaday cidda geysatay duqayntaasi, balse ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay fuliyeen duqayntaasi lagu xasuuqay shacabka reer miyig ah.
Maamulka Puntland ayaa ka mida maamullada daba-dhilifka ah ee ka jira Soomaaliya ee gacan-saarka la leh dawladaha shisheeye ee duullaannada kala duwan ee ashahaado-la-dirirka ah kusoo qaaday dadkan muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.