15 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Yahuuddu Ka Fulisay Caasimadda Suuriya.

Nov 15, 2024

Warar faahfaahsan ayaa kasoo baxaya weerar dhanka circa ah oo Yahuuddu maanta ka fulisay xaafado hoostaga magaalada caasimadda u ah wadanka Suuriya ee Dimishqa.

Ugu yaraan 15 xubnood ayaa dhimatay halka kuwa kalena ay dhaawacmeen, kaddi markii ciidamada Yahuuddu duqayn ku beegsadeen xaafadda Al-mazat iyo deegaanka Qudsiya ee magaalada Dimishqa.

Warbaahinta maxalliga ah ee Suriya waxay xaqiijisay dhimashada 15-ka qof, kuwaas oo ay sheegtay inay yihiin tirokoob horudhac ah oo muujinaya khhasaaraga duqaynta ka dhalatay.

Wakaaladda wararka u faafisa Suuriya ee SANA ayaa dhankeeda sheegtay in Yahuuddu beegsadeen laba dhismo oo ku yaalla aagga Al-mazat iyo Qudsiya oo ka tirsan Dhimishq, halkaas oo laga maqlay qaraxyo xooggan.

Idaacadda ku hadasha ciidanka Yahuuddu waxay dhankeeda shaacisay inay halkaas ku beegsadeen hoyga bartilmaameedyo gaar ah, iyaga oo aan bixin faahfaahin ku aaddan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.