Sida uu daabacay wareyska maalin laha ah ee Daily Mail kana soo baxa dalka Ingiriiska, waxa uu fayruska laayaanka ah ee HMPV uu soo ritay kumanaan Ameerikaan ah tan iyo markii uu dilaayaca.
Sida lagu sheegay xogta joornaalka, kuwa dhawaad ilaa 28,000 oo ruux oo u dhashay dalka Mareykanka ayuu ku dhacay caabuqan cusub ee kasoo askumay gudaha dalka Shiinaha, waxaana inta badan dadkaas ay maanta ku suganyihiin xaalado liita oo laga deyrinayo.
30% dadkii isbitaallada loo dhigay fayruskaan dartiis ayaa geeriyooday, halka boqolaal kalana ay isbitaalada ku dhax wajahayaan xaalad u dhexeysa nolol iyo geeri, isagoona caabuqa HMPV sii fidaya marba marka ka dambeysa.
Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in 200 ilaa 350 ruux inta u dhexeysa laga helayo xanuunkan isbuuc walba, taasoo muujineysa sida xowliga ah ee uu kusii socda feyruskan ku dhaca habdhiska neef mareenka kaasoo ay hadda qaatiin ka taaganyihiin wadamo badan sida Shiinaha iyo Hindiya oo kale.
Mareykanka ayaa hawada wajahaya xaalado musiibooyin ah oo is barkan, dhinac waxaa ka jira qabow daran iyo baraf, dhinacna waxaa ka olalaya dab maara loo la’ayahay damintiisa halka dhanka kalana Ameerikaanku ay u lee’anayaan xanuunka HMPV, taasoo lagu sifeeyey ciqaab aduun iyo qisaas caadil ah oo ka timid xaga rabiga koonkan.
FAAFREEB PRO