Xoghayaha QM oo Kasoo Horjeestay Duulaanka Dhulka ee ay Yuhuuda ku Galeen Lubnaan.

Oct 1, 2024

Xogayaha guud ee QM Antonio Guterres oo kasoo hojeestay duulaanka dhulka ee uu maamulka gumeystaha yuhuuda saacadihii lasoo dhaafay uu ku galay gudaha dalka Lubnaan.

Guterres waxa uu sheegay in xukuumada Binyamiin Natayaahu ay midaan kasoo gaari doonto dhiig bax balaaran, loona baahnaa in la sameeyo latashi xoogan si looga waaqsado midaan waa sida uu hadlka u dhigee.

Stephane Dujarric oo ah afhayeenka Antoney Guterres ayaa yiri “Ma aanan dooneynin in waqti xaadirkaan ayenu aragno maamulka Israel oo duulaan dhanka dhulka ah ku galaya gudaha dalka Lubnaan”.

Afhayeenka Guterres waxa uu intaas ku daray, in ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan Lubnaan ay hada wajahayan xaalado adag, maadaama ay noqdeen kuwa u nugul weerarada ka imaanaya labada dhinac, waa ururuka isugu yeera Xisbullah iyo yuhuudee, ayna hada awoodin xitaa iney sameeyaan roondooyinkoodii caadi ahaa ee ay u bixi jireen mararka qaar.

Markii saacadihii lasoo dhaafay uu warbaahinta si aad ah ugu faafay khabarka sheegaya in maamulka isugu yeera Israel uu gudaha u galay dhulka lubnaan, waxaa si aad ah isu soo taray warbixino iyo taqaariir fara badan, waxaa dhanka kale soo baxaya wali digniino lamid ah kuwii hore.

Waxaa dhanka kale durbadiiba bilowday misana banaanka soo baxay masuuliyiin kasoo horjeeda arinkaas, waxaana hada ugu horeeya ee la magacaabi karaa waa xogyaha guud ee QM Antoney Guterres, oo sida aan soo xusnay si cad u sheegay in guud haanba uu kasoo hojeedo waxa u uku dhaqaaqay Binyamiin Natayaahu.

Waxaana hada uu caalamku wada sugayaa waxa kasoo kordha duulaankan ay yuhuuda sheegeen iney doonayaan iney kusoo afjarayaan ururkan shiiciga ah ee Xisbullah.

FAAFREEB PRO