50 Ruux oo Itoobiyaan Ah oo Lagu Dilay Duqeyn Diyaaradeed oo Ka Dhacday Gobolka Amxaarada.

Nov 9, 2024

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa ku waramaya in ciidanka cirka nidaamka Abiy Axmad ay duqeyn diyaaradoodeed oo ay ka fuliyeenn gobolka Amxaarada ku dileen tobanaan shacab ah.

Duqeyntaan ayaa si gaar ah waxay uga dhacday deegaanka Durbete ee dhaca koonfurta gobolka Goojam, waxaana fuliyay diyaaradaha nuuca aan duuliyaha laheyn.

Goobaha ay duqeyntu beegsatay ayaa waxaa kamid ah madarsado caruurta wax ku bartaa, goob loo dalxiis tago iyo suuq, waxaana inta laxaqiijiyay ku dhintay ilaa 50 ruux.

Dadka lagu dilay weerarkaan waxaa kamid ah caruur ,dumar uurleh iyo sidookale odayaal, sida ay warinayso warbaahinta maxaliga ah ee gudaha Itoobiya.

ilaa 21 kale ayaa lasoo warinayaa in ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo xaladoodu ay halis tahay.

Gudiga xuquuqul insaanka ee Itoobiya ayaa dhankiisa xaqiijiyay dhacdadaan oodhacday maalinkiit aladaada ee todobaadkii lasoo dhaafay.

Goolka Amxaarada waxaa mudooyinkii dnabe kasocdayay dagaallo laayaan ah oo udhaxeeya ciidanka dowlada fadaraaliga ah iyo maleeshiyaatka Faano.

Milatariga Itoobiya ayaa dhowr jeer sidaan oo kale duqeymo uu ka fuliyay gobolada Oromada Amxaarada iyo Tigree waxa uu ku dilay dad shacab ah, colaada kasocota Itooabiya ayaana faraha kasii baxaysa, jabhadaha mucaaradka waxay doodayaan in aysan hubka dhigi doonin ilaa ay Addis Ababa qabsadaan oo ay xukunka ka tuuraan Abiy Axmad .