Kooxda Riddada Soomaaliya ayaa ugu dambayn si rasmiya ugu ogolaatay dawladda saliibiyada Xabashida Itoobiya in ciidankeedu ay ka mid noqdaan AUSSOM oo ah duullaan shaati cusub loo soo geliyey oo lagu soo qaaday dalka Soomaaliya.
Taliyaha ugu sarreeya ciidanka Xabashida Itoobiya Birhanu Jula ayaa socdaal aan horey loosii shaacin oo hal maalin ah shalay ku yimid dalka Soomaaliya, sida ay ku warramayso qaybo ka mida saxaafadda Itoobiya.
Socdaalkan ayaa salka ku haya kulan usbuuc ka hor magaallada Addis Ababa ku dhex-maray Xasan Gurguurte iyo Abiy Axmed oo la isku af-gartay wada-hadal farsamo in lagu qabto Muqdisho sida lagu sheegay war-murtiyeed labada dhinac ay xalay wada-jir u soo saareen.
Kulan ay albaabadu u xiran yihiin ayay yeesheen weftigan ka socday Itoobiya oo Birhanu Jula uu ku weheliyey Ridwaan Xuseen oo ah agaasimaha sirdoonka Itoobiya. Dhanka Riddada Somaliyana waxaa qaabilay oo shirkan ku metelaayay Odowaa Yuusuf oo ah taliyaha guud ee maleeshiyaadka Gurguurte iyo taliyaha maleeshiyaadka Jawaasiista NISA C/Laahi Sanbaloolshe.
Sida ay wararku tibaaxayaan labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay doorka ay ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo qaateen duullaannadii kala duwanaa ee lagu soo qaaday dalkan Soomaaliya. Iyagoo wada-jir iskugu raacay in ciidanka Xabashida Itoobiya ay ka mid noqdaan duullaanka cusub ee isbahaysiga EEYSOOM.
Wararka ayaa intaas ku daraya in taliyeyaasha labada dhinac ay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen sidii ay wada-jir iskaga kaashan lahaayeen duullaanka ashahaado-la-dirirka ah ee ay kula jiraan mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab.
Bartamihii bishan aynu ku jirno ayay ahayd markii wasiirrada dibedda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay mar kale ku kulmeen magaallada Ankara, halkaas oo lagu gaaray heshiisyo gogol-xaar u ah sidii Itoobiya u xayuubsan lahayd qaybo ka mida Badda Soomaaliya.