Golaha Amaanka QM oo Baaq u Diray Dowladda Rwanda ee Taageerta Kooxda M23.

Feb 23, 2025

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreysay ugu baaqay Rwanda in ay joojiso taageerada ay siiso kooxda hubeysan ee M23, xilli dagaalyahanadu ay dhowr jiho ka weerareen bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah maalamihii lasoo dhaafay.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in jabhadda M23 oo ay taageerayaan ilaa 4,000 oo ciidamada Rwanda ah ay gacanta ku hayaan deegaanno badan oo ka tirsan bariga Congo.

Siqidda degdega ah ee kooxda M23 ayaa horseedday in kumanaan qof ay colaadda ka barakacaan, ayaana lagu yiri warbixinta.

Falaagada M23 ayaa Axaddii la soo dhaafay la wareegay gacan ku haynta caasimadda Bukavu toddobaadyo ka dib markii ay la wareegeen magaalada Goma oo ah caasimadda gobolka North Kivu ahna magaalada ugu weyn ee bariga dalkaasi.

Qaraarka kasoo baxay Golaha amaanka QM aya sidoo kale ugu baaqaya ciidamada Rwanda in shuruud la’aan ah uga baxaan dhulka Jamhuuriyada Dimuqaraadiga ah ee Congo, si xaaladu ay u qabowdo balse xaqiiqada ayaa u muuqata mid intaa ka fog, kooxda M23 ayaana sheegtay iney ku balansanyihiin iney har cad galaan caasimada Kinshasa.

FAAFREEB PRO