Badar Cabdul-caadi oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee dalka Masar ayaa booqasho ku tagay caasimadda dalka Eretriya ee Asmara.
Sida ay tebinayso warbaahinta maxalliga ah ee Masar, wasiirka ayaa la kulmay Isaias Afwerki madaxweynaha Eretriya, waxaanu u gudbiyey dhambaal afka ah oo uu ka siday madaxweynihiisa C/Fataax Assiisi.
Farriinta ayaa sida la sheegayo daarranayd xoojinta iyo horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee leh dhinacyada kala duwan iyo sidoo kale wax ka qabashada danaha labada dal ee khuseeya arrimaha gobolka.
Danjire Tamim Khallaf, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa shaaca ka qaaday in socdaalka Wasiirka ee magaallada Asmara uu salka ku hayo booqashadii uu murtad Xasan Gurguurte ku tagay Asmara Oktoobar 2024.
Sidoo kale Danjiraha dalka Masar waxa uu ka dhawaajiyey in booqashada wasiirku ay xoojinayso dardar-gelinta hannaanka isbahaysigii saddex-geesoodka ahaa ee bishii lasoo dhaafay ee October dhex-maray dalalka Masar, Eretriya iyo kooxda ridada Soomaaliya.
Afhayeenku waxa kale oo uu xusay in la isla qaatay sidii loo taageeri lahaa nabadda iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika. Gaar ahaan dagaalka ay kooxda ridada Soomaaliya kula jirto mujaahidiinta.
Sidoo kale kulankan ayaa looga hadlay isbedellada ka socda Badda Cas iyo diidmada dal aan ku xirneyn Badda Cas oo qayb ka noqda amniga iyo maamulka Badda Cas, oo sida muuqata ay ula jeedaan Itoobiya iyo damaceeda gurracan ee ka dhanka ah Xeebaha Soomaaliya.
Geesta kale, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa salaan iyo bogaadin u diray dhiggiisa Masar C/Fataax Assiisi, waxaanu sheegay inuu ka rajaynayo xoojinta xiriirka labada waddan ee leh dhinacyo badan.
Kulankan shalay ka dhacay Asmara ayaa imanaya maalin kadib markii wefti uu hoggaaminayo R/Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu ka dagay magaallada Muqdisho, kulanno dhagaraysanna uu la qaatay murtad Xasan Gurguurte, kana ansixistay heshiisyo xoojinaya damaciisa Badeed.
Madaxa Kooxda ridada oo gabi-dhacleyn siyaasadeed oo aad u fool xun qoorta kula jira, ayaa oof-wareemay isbahaysigii saddex-geesoodka ahaa ee caasimadda Asmara ay kuwada galeen isaga, C/Fataax Assiisi iyo Isaias Afwerki.