Wajiga Koowaad ee Heshiiska Qaza ayaa soo Idlaaday, Maxay Tahay Talaabada Xigta?.

Mar 2, 2025

Wajiga Koowaad ee heshiiska Qaza ayaa soo idlaaday iyo Mareykanka iyo Yuhuuda oo doonaya inaan loogudbin wajiga Labaad taa badalkeed la balaariyo midka hada lagu guda jiro.

Sida ay saacadihii lasoo dhaafay baahinayeen inta badan wargeyskada kasoo baxa dhulka Bariga Dhexe, waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo idlaaday heshiiskii xabbad-joojinta Qaza wajigiisa koowaad, midan oo abuurtay walaac xoogan oo dhinacyada ah.

Sida horey is afgaradku ahaa waxaa la qorsheeyay toddobaadka u dambeeya ee wajiga koowaad in heshiis laga gaaro wajiga labaad, ma aysan dhicin oo waxaa guul-darraystay dhammaan iskudayadii lagu raadinayay in wada-xaajood laga galo dhaqangelinta wajiga labaad ee heshiiska, wada-hadalladii u dambeeyay waxay dhaceen Khamiistii lasoo dhaafay waxayna ku dhammaadeen natiijo la’aan, iyadoo kooxda wada-xaajoodka yuhuuda ay dib ugu laabteen Telaabiib.

Caqabadaha hortaagan gaaritaanka Wajiga 2-aad ee heshiiska waxaa ugu horeeya in Binyamin Natanyaahu uusan dooneyn in loo gudbo Face-ka Labaad, maadaama shuruudaha uu dhigayo ay ku jiraan in ciidanka yuhuuda ay gabi ahaanba ka baxaan marinka Qaza dagaalkana sidaas lagu soo afmeero, kooxaha muqaawamaduna ay markaas sii deyn doonaan dhamaan maxaabiista ay hayaan.

Hadaba Natanyaahu iyo Mareykanka ayaa hadda isku afkartay in kaliya la balaariyo wajiga Koowaad ee heshiiska halkii la gali lahaa wajiga Labaad, balse midaas waxaa kasoo horjeestay kooxaha muqaawamada, iyagoona sheegay in kaliya ay aqbali doonaan in lagu socdo hanaankii heshiiska loo dajiyey marka hore loona gudbo wajiga Labaad.

Mareykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay xitaa dhankiisa soo bandhigay rabitaankiisa balaarinta wajiga koowaad, ergayga bariga dhexe u qaabilsan Trump Steve Witkoff, ayaana sheegay iney daneynayaan in muddo 42 maalmood ah lagu kordhiyo Face One-ka.

Si aad ah ayaa hadda looga dardaar warinayaa xaalada Qaza, waxaana saacad walba filasho loogu jiraa in markale ay kacdo xiisada, xilli hadda bilow ay tahay bisha barakeysan ee Ramadaan, muslimiin badan ay la daalaa dhacayaan xaaladohooda nololood.

FAAFREEB PRO