Sirdoonada Shiinaha iyo Ruushka oo ka Faa’ideysanaya Xubnaha uu Trump Shaqada ka Ceyriyo.

Mar 3, 2025

Sirdoonada Shiinaha iyo Ruushka ayaa ka faa’ideysanaya shaqaalaha dowliga ah ee Trump ka ceyriyey shaqooyinkooda, isaguna waa qodob kale oo aan maanta ku eegi doono xubinta wargeysyada.

Sida uu baahiyey joornaalka The Independent sirdoonada dowladaha Ruushka iyo Shiinaha ayaa billaabay inay dabagal ku sameeyaan shaqaalaha hay’adaha Mareykanka ee dhawaan shaqada laga ceyriyey, si baa la yiri ay iyagu u siiyaan lacago ka badan kuwii ay ka qaadanayeen Trump loogana helo xogo badan oo xasaasi ah oo ku saabsan xafiisyada iyo hay’adaha kala duwan ee ay ka shaqeynayeen.

Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in sirdoonada xukuumada Moscow iyo Beijing ay xitaa daba gal ku sameynayaan shaqsiyaadka hadda walaaca ka qaba in Trump uu shaqada ka ceyrin doono, si lacag ka badan ay u siiyaan ugana helaan macluumaadyada muhiimka ah.

Tani ayaa halis ku noqon doonta xukuumada cusub ee Trump oo shaqada ka saartay shaqaale fara badan, waxaana hadda muuqata sida Shiinaha iyo Ruushka ay isugu soo garbinayaan iney gacanta ku dhigaan xubnahan uu shaqa fariisinta ku sameeyey madaxa aqalka cad.

FAAFREEB PRO