Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa markale dil bareer ah u gaystay qof ganacsade ah oo kasoo jeeda Soomaaliya, xilli toddobaadyadii u dambeeyay dalkan lagu dilay dhowr xubnood oo ganacsato ah.
Wararka ka imaanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa, ayaa sheegaya in ganacsade Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ka ganacsada deegaanka philipi ee magaaladaasi hoostaga ay si bareer ah u dileen kooxo burcad ah.
Burcadda hubeysan ee Koonfur Afrikaanka ah ayaa lasoo wariyay inay dileen Cumar Cabdullaahi Axmed oo loo garan ogaaa (Cumar Qamarji), kaasi oo ka mid ahaa Soomaalida ganacsiga u joogta deegaanka philipi ee dhaca duleedka magaalada cape Town.
Goobta uu ka dhacay falkan dilka ah ee lagula kacay Cumar, ayaa la wariyay inay gaareen ciidamo ka tirsan booliiska saliibiyiinta, kuwaas oo baaritaanno aan sidaas u waynayn ka sameeyay aagga, mana jirto sida caadada u ahba cid ay usoo xireen falkaasi.
Afar maalmood ka hor ayay ahayd markii kooxo burcad ah oo u dhashay dalka Koonfur Africa ay dhaawac culus u gaysteen Cismaan Nuur, kaasoo ay ugu dhaceen dukaan uu ka shaqeeynayay oo ku yaala Degmada Addo oo qiyaasti 72 km waqooyi bari ka xigta magaalada Port Elizabeth ee dalka South Africa.
FAAFREEB PRO