Bananbaxyada Uganda oo sii xoogeystay iyo In ka badan 100 ruux oo xabsiga loo taxaabay

Jul 27, 2024

Waxaa sii xoogaysanaya mudaaharaadyada ka dhanka  ah musuqmaasuqa ee ka socda dalka Uganda iyadoo Booliiska ay  xabsiyada u taxaabeen  in ka badan 104 qof oo banaanaxyada ka qeyb qaadanayay

Madaxweynaha Uganda ayaa hore ugu sheegay bannaanbaxayaasha dhallinyarada u badan inay ku ciyaarayaan ‘dab, wuxuuna ugu baaqay in aysan u qaadan Uganda inay la mid tahay Kenya oo ay gacan bir ah uga hortagi doonaan kuwa abaabulaya mudaaharaadka.

Dowladda saliibiyada Mareykanka iyo hay’adaha waxa loogu yeero xuquuqul insaanka ayaa billaabay inay cambaareeyaan tallaabooyinka laamaha ammaanka ay uga hortagayaan isku soo baxyada ay dhallinyarada ku diiddanyihiin musuq maasuqa iyo saraakiisha dawladda inay ku takri falaan hantida dadweynaha.