Warar soo baxaya ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay kooxda TPLF ku dhawaaqday in aysan aqoonsaneyn dowladda xabashida itoobiya.
Gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Tigray ee TPLF Debretsion Gebremichael ayaa hadalka ka dhawaajiyey kadib wadahadallo labadii todobaad ee lasoo dhaafay dhaxmaray iyaga iyo xukuumada Abey Axmed.
Intii lagu guda jiray wadahadaladaas Abey Axmed ayaa sheegay in TPLF ay waajib ku tahay iney u hogaansanto dhamaan sharciyada wadanka ayna dib isugu diiwaangaliso ka qeyb ahaanshiyaha guddiga doorashada Itoobiya ee loosoo gaabiyo (NEBE).
Abey ayaa intii uu socday kulankan soo hadal qaaday khilaafaadkii doorashada ee sababay in uu dagaal qarxo sanadka 2020, kadib markii ay madaxda TPLF diideen inay u hogaansamaan go’aankii guddiga ee ahaa in dib loo dhigo doorashooyinka xanuunka COVID-19 awgii.
Si kastaba ha ahaatee khilaafka labadan dhinac ayaa hada u muuqda mid sii karaar qaadanaya, xukuumada Addis Ababa ayaana u muuqata mid TPLF marba marka kadii dambeysa ku cadaadineysa sidii ay ugu sandulyeyn lahayd awaamirteeda.
QEYBTA HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA 👇🏻