Waxaa wali halkoodii kasocda rabshadaha xoogan ee uu martigalinayo dalka Bangaladesh ee dhaca koonfurta qaaradda Aasiya, ardayda jaamacadaha wadankaas ayaana soo saaray hanjabaad cusub oo ku wajahan xukuumada kaafirada ah, iyagoona ku goodiyey iney dhigayaan dibad baxyo balaaran oo hore leh hadii aan xabsiyada laga siideyn hoggaamiyaasha kacdoonka.
Sida aan la socono waxaa dalkan 20-kii bishan July ka qarxay rabshado xoogan oo ay hogaaminayaan ardayda jaamacadaha, waxaana burbur xoogan uu soo gaaray wadooyinka waaweyn ee caasimada Dhaka, sawirada qaar ayaana lagu arkayey gawaari fara badan oo ay ardaydu dab qabadsiiyeen.
Muddo 3 maalmood ah gudeheed waxaa xabshadahaas nafta lagu dhaafsiiyey in ka badan 174 ruux oo isugu jirta rag iyo haween arday u badan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, walow aan wali la acadeen cadadooda rasmiga ah.
Mar uu xaalku sidaa yahay ayey saacadihii lasoo dhaafay waxay ardayda markale soo saareen digniin ku wajahan xukuumada camiilka ah ee ay hogaamiso haweeneyda lagu magacaabo Xasiinah, iyagoona hada qorsheynaya dhigda rabshado ka guda balaaran kuwii hore hadii aan xabsiyada laga soo sii deyn hogaankooda.
Tirada shaqsiyaadka xabsiga loo taxaabay tan iyo bilowgii dibadbaxyadaan ayaa haatan kor u dhaaftay ilaa 3500 oo ruux, dowlada Bangaladesh ayaana wali sii wada raafka ardayada iyo dhamaan cid kasta oo ay ku tuhunsantahay arinkan wadanka uu martigalinayo.
Arinka ugu badan ee ay ardaydu ka cabanayaan ayaa ah in xukuumadu ay si xun u maareysay qoondadooda shaqo.
Waxaa xusid mudan in qalalaasahan xoogan ee ka socda gudaha wadanka Bangaaldesh ay saameyn xoogan ku yeesheen muwaadiniin fara badan oo kasoo jeeda wadama dhaca qaaradaha Yurub iyo Mareykanka, safaarado badan oo shisheeyey ayaana soo saaray digniino dhowr ah oo ay shacabkooda uga digayaan xaalada hubanti la’aan ee uu wajahayo wadanka, iyo iney u aadaan safaro dalxiis ama kuwa shaqo intuba.
FAAFREEB PRO