Fano oo Sheegtay in Gobolka Amhara ay ku Dishay 500 oo Askari.

Jul 29, 2024

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dagaallo qaraar oo muddo isbuuc ah kasocday gudaha gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya oo dhaxmaray ciidanka Abey Axmed iyo maleeshiyaatka Fano.

Asres Mare oo ah gudoomiye ku xigeenka iyo madaxa qaybta siyaasada ee gobolka Gojjam ee jabhadda Fano ayaa warbaahinta maxaliga u sheegay iney dileen ilaa 500 oo askari oo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya halka ay dhaaweceen ilaa 27 kale.

Sarkaalkan ayaa hadalkiisa sii raaciyey in Abey Axmed uu ciidan xad dhaaf ah isbuucii lasoo dhaafay uu kusoo daad gureeyey gudaha magaalada Goojam ee gobolka Axmaarada, “si ay u dharbaaxooyin adag inuugu geestaan” ayuu yiri ninkan.

Dhanka kale Fano ayaa sheegtay iney la weereegtay hub fara badan, iyagoona gacanta ku dhigay in kabadan 180 qori oo nuuca AK47 ah iyo 2 qori oo kuwa cul culus ah.

Dhanka kale dowladda xabashida Itoobiya ayaa sheegtay in magaalada Goojam ay ku dileen ilaa 31 askari oo ka tirsan maleeshiyaatka fano, walow arinkaas ay beeniyeen hogaanka sare ee Fano.

Dagaaladan ayaa kusoo xilli gudaha dalka Itoobiya ay martigalinayaan colaado dhan waliba ah, halka dhanka kale ay bulshadu budooyinkaan dambe ay si aad ah uga cabaneyso afduub iyo dhac xad dhaaf ah oo ay geesanayaan kooxo lagu sheegay iney burcad yihiin.

FAAFREEB PRO