Turkiga iyo Yuhuuda oo Hanjabaad is Dhaafsaday.

Jul 29, 2024

Maamulka Yuhuuda ayaa hanjabaad hawada usoo mariyey xukuumada Ankara kadib markii uu Recep Tayyip Erdogan uu Natanyaahu maalinimadii shalay ku tilmaamay inuu yahay dhiigyo cab arxan daran.

Erdogan ayaa isaga oo isku muujinaya inuu ka xunyahay waxa ka socda Qaza, shalay markale si cad u sheegay in hogaamiyaha maamulka isku magacaabay Israel uu yahay Hitleerka casirigan, uuna wado leyn aan loo meel dayin, hadalkaas ayeyna si aad ah kaga caroodeen hogaanka sahaayinada.

Saacado yar un kadib waxaa jawaab u muuqatay mid hanjabaad ay ku lamaanantahay soo saaray wasiirka arrimaha dibadda yuhuuda ninka lagu magacaabo Yisrael Katz, isagoona Erdogan uga digaty inuu soo faragaliyo loolanka ka socda gudaha Filistiin.

“Hadii Recep Tayyip Erdogan uu ku hanjabay inuu soo faragalin doono misana uu soo weerari doono Israel, waxa uu shaki la’aan mari doonaa wadadii uu maray Saddam Hussein” waa nuqul kamid ah qoraalkii uu baahiyey Katz.

Si kastaba ha ahaatee tani waa markii labaad ee bil gudeheeda uu hogaamiyaha xukuumada Ankara sheego inuu faragalinayo dagaalka Filistiin iyo in Natayaahu uu yahay dhiigyo cabka casrigan, walow caalamka intiisa badan uu ku baraarugsanyahay daba dhilifnimada ninkan iyo in warshahada wadankiisu ay yihiin kuwa soo saara kabaha ugu badan ee madaxa loogaga istaago haweenka iyo dhalaanka reer Qaza.

FAAFREEB PRO