Mid kamida mas’uuliyiinta kooxda Ridada ayaa markii ugu horraysay sheegay in dastuur gaaleedka ay ku dhaqmaan ay usoo dhistay dowladda Xabashida Itoobiya ee gummeysiga ku haysa shacabka Soomaaliyeed.
Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Xasan Gurguurte ayaa goob fagaare ah ka sheegay in dastuurka daaquudka ee ay ku dhaqmaan uu yahay mid ay sameeyeen dowlado shisheeye islamarkaana aanu aheyn mid ay iyaga dan ugu jirto.
Isagoo hadal ka jeedinayay madal ay fadhiyeen siyaasiyiin murtadiin ah ayuu Axmed Macallin ka dhawaajiyay in dastuur gaaleedka kooxda Ridada ee hadda yaal xarumahooda uu sameeyay Mahiiga oo ah diblumaasi udhashay dalka musanbiig balse asalka dastuurka kooxda ridada ay sameysay dowladda Xabashida Itoobiya.
Culimaa’udiinka soomaaliyeed ayaa horay uga digay xummaanta dastuur gaaleedka kooxda ridada iyadoona mu’asasada alkataa’ib ay sanado ka hor soo saartay xalaqaad cajiib ah oo umadda soomaaliyeed loogusoo bandhigayay gaalnimada dastuurka