Fagnar oo qiratay xasuuqii loogu geestay Maali

Jul 29, 2024

War kasoo baxay shirkada murtazaqada ah ee Fagnar ee hoostagta dowlada Ruushka ayaa lagu qiray jabkii maleshiyaatkeeda loogu geestay waqooyiga dalka Maali.

Fagnar ayaa timaamtay in askarteeda laga itaal roonay khasaaro baaxadlehna dhabarka loo saarayay, iyadoo intaa ku dartay in dagaalladu ay socdeen 22 ilaa 27 July.

In kabadan 1000 dagaalyahano jihaadiyiin ah ayeey sheegtay in ay soo weerareen  dagaal maalmo qaatay kadibna laga itaal roonaaday.

Jamaacada Nusratul islaam Wal Muslimiin ee katirsan uruurka Al-Qaacida ayaa sheegtay in hawlgalladii ka dhacay xuduuda udhaxaysa Maali iyo Al-Jazaa’ir lagu dilay 50 murtazaqo ah laguna  gubay dhamaan gaadiidkii uu cadawgu watay.

FAAFREEB PRO