Xilli dagaallo sokeeye ay halakeeyeen bulshada Itoobiya ayay dowladda xabashida oo dhaqaalaheedu dhulka hoobtay ay billaawday in ay uqeylla dhaansato hay’adaha maaliyadda reergalbeedka ee caanka ku ah boobka dhaqaalaha afrika.
Taariikhda markii ugu horraysay ayay dhaqaalaha Itoobiya faragelin weyn oo taban ku yeesheen Hay’adda IMF iyo waxa loogu yeero Bankiga adduunka.
Abiy Axmed ayaa cadaadis dheer kadib aqbalay in dowladdiisu ay qaadato lacago ammaah balaayiin dollar ah taas bedelkeedna ay qoorta udhiibtaan IMF iyo Bankiga adduunka waana arrin burburin karta dhaqaalaha itoobiya sida ay sheegayaan falanqeeyaasha dhaqaalaha.
Magaalada Addis Ababa waxaa gaaray mas’uuliyiinta ugu sarraysa labadan hay’adood ee Yurub iyo Mareykanka laga leeyahay waxayna Abiy Axmed ka saxiixeen in lasiiyo lacag dayn ah oo gaaraysa 10 Bilyan oo dollar taas bedelkeedna Itoobiya ay suuqyadeeda maaliyadd ku tadbiiqso shuruudaha ad-adag ee reergalbeedka waxaana kamid ah in suuqa sarifka lacagta qalaad laga bixiyo gacanta dowladda oo loo dhiibo bunuukta reergalbeedka.
Lacagta Birta itoobiya ayaa laga saaray jaangoynta bankiga dhexe ee xabashida waxaana hadda jiheynaya reergalbeedka, tusaale ahaan waxaa sare loo qaaday qiimaha dollarka Mareykanka iyadoona dhulka lageliyay lacagta Birta wax kabadan 90%.
100ka dollar ayaa lagu iibinayaa lacag dhan 5,755 Birr Itoobiyaan ah, guddoomiyaha bankiga ganacsiga Itoobiya ayaa sheegay in dayn qaadashadan ay tahay middii ugu horraysay tan iyo sanaddii 1977-kii kolkaas oo ay dagaallo sokeeye ka socdeen Itoobiya.
Culeyska deymaha ee uu qaatay Abiy Axmed ayaa saameyn xun ku yeelan doonta dhaqaalaha dadka xabashida, wixii ka horreeyay sanadkii 2020-kii Itoobiya wuxuu ahaa dalka ugu wanaagsan kobaca dhaqaalaha dalalka afrika ee saxaraha ka hooseeya.
Dagaallada ka socda ismaamulka Amxaarada iyo dagaalkii gobolka Tigreega ayaa dhulka geliyay dhaqaalihii Itoobiya waxaana musallafay warshado iyo shirkado waaweyn oo lacago boqolaal milyan ah sanad walba soo saari jiray.
FAAFREEB PRO