Maamulka Somaaliland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Katirsan Kooxda Gurguurte.

Jul 30, 2024

Hay’ada sirdoonka maamulka ridada Somaliland ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay xubo katirsan sirdoonka Kooxda Ridada Soomaaliya.

War kasoo baxay maamulka fadhigiisu yahay Hargaysa ayaa lagu sheegay in xubnahaani ay qorshaynayeen in ay dilal ka geytaan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Waxay  hay’ada sirdoonka maamulka Muusa Biixi soo bandhigtay magacyada iyo aqoonsiyada xubanaha ay qabatay iyadoo ku sheegtay in ay ku raad joogtokuwa kale oo gaaraya lix oo laga soo diray Mogdisho.

FAAFREEB PRO