23 Sano Kadib Weeraradii 11 September Mareykanka oo war Kasoo Saaray Kiiska 3 Maxbuus.

Aug 1, 2024

Saxiifada Washington Post ayaa daabacday warbixin cusub taas oo ay ku sheegeyso in 23 sano kadib weeraradii 11 september ay dowladda saliibiyada ah Mareykanka soo saartay xogo cusub oo ku aadan maxaabiista dhowr ah oo iyada gacanta ugu jira.

Xukuumada uu hogaamiyo Joe Biden ayaa ku dhawaaqday in sedax maxbuus oo uu ku jiro Khaalid Sheekh Maxamed laga joojinayo xukunkii daldalaadda ahaa ee lagu fulin rabay, iyadoona la sheegay in talaabadaan ay timid kadib dood dheer oo soo socotay muddo sanado ah oo ku aadan, dhamaan raga uu Mareykanku usoo xiray weerarkaas awgii ee ku jira xabsiga fadeeraxada ku caan baxay ee Guwantama Bay.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in ragan 3-da ah ay ku qasbanyihiin iney qirtaan dhamaan waxyaabaha ay geesteen, taasina ay qeyb weyn ka qaadan doonto inuu si wanaagsan ay usoo gaba gabowdo talaabadan la doonayo in lagu laalo xukunkii dal dalaada ahaa, waa sida ay hadalka u dhigeene.

“In meesha laga saaro ciqaabta dilka ah, taas badalkeedna ay qirtaan dhamaan waxyaabah ay geysteen, sida dilka 2,976 ruux oo ku cad warqada dacwad oogida, ayey xukuumada Washington isla afgaratay” waa nuqul kamid ah hadal kasoo yeeray Rear Admiral oo ah madaxa dacwad oogaha kiisaskan.

Khalid Sheikh Maxammed, Waliid binu Cadhaash iyo Mustafa al-Hawsawi waa sadax maxbuus ee uu Mareykanku sheegay inuu ka deynayo xukunkii dilka ahaa, taas badlkeedna uu ku xiray shuruudo badan oo ay kamid tahay mida aan soo xusnay.

23 Sano kadib weeraradii 11-ka september, waxaa wali dhagaha gaalada caalamka kasii shanqaraya wixi khasaaro nafeed iyo burbur hantiyadeed oo lixaad lahaa ee kasoo gaaray halkaas, halka dhanka kale ay wali isku dayayaan in ragii halyeeyada ahaa ee fuliyey weeraradaas intii Alle uu doortay mooyee inta ka geesatay kaalintii lixaadka leheed, ay ugu caga jugleeyaan dil ama qirashada wax walba, iyagoona waayey xal aan midkaas ahayn.

Gaba gabadii warbixinta majaladu waxa ay qireysaa, in xabsigan ku yaala dalka Cuba uu yahay mid hadii laga ogaado xogaha qaar ay keeni karto in Mareykanku uu harcad dhaxda ka istaago fadeexo ay adagtahay inuu kasoo kabto, iyadoona u sababeyneysa wax jir dil iyo suurad xumeyn ah ee ay la kulmaan maxaabiista kala duwan ee halkaas ku xiran mudada sanadaha ah.

FAAFREEB PRO