Maxkamadda racfaanka dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay laashay qaraar dhowaan uu soo saaray William Ruto kaasi oo waxbakama jiraan ka dhigayay qaanuunka canshuuraha ee ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda islamarkaana uu baarlamaanka wadankaasi meel mariyay.
Go’aanka kasoo baxay maxkamadda sare ee Kenya ayaa dhabarjab weyn ku ah madaxtooyada Nairobi taasi oo dhowaan kala dirtay golaha xukuumadda islamarkaana laashay qaanuunka canshuuraha ee sababay kacdoonka shacabi ee sababay dhimashada ku dhowaad 50 ruux.
Sedax katirsan garsoorayaasha maxkamadda sare ee Kenya ayaa sheegay in qaanuunka maaliyadda ee xukuumaddu ay soo saartay sanaddii 2023 gebi ahaantiisba uu yahay faashil aan dastuurka wadankaasi udegsan waafaqsanayn.
Willam Ruto ayaa aaminsan in qaanuunka maaliyadda gebi ahaantiisba uusan khaldaneyn balse qeybta canshuuraha kaliya dib u eegis lagu sameyn doono halka go’aanka cusub ee maxkamadda sare uu farayo in xeerka maaliyadda gebi ahaantiisba latuuro.
Maxkamadda racfaanka ayaa durtay intabadan qodobada ku xusan qaanuunka maaliyadda sida canshuurta guryaha oo ay sheegtay in aysan waafaqsaneyn xaaladda dhaqaale ee muwaadiniinta Kenya.
Bishii lasoo dhaafay waxaa Kenya ka dhacay mowjado rabshada ah oo ay dad badani ku dhinteen kadib markii ay dowladdu canshuur kusoo rogtay lacagaha ay dadku isugu xawilaan Mobile-da iyo sidoo kale gaadiidka dadweynaha arrinkaas oo ciriiri daran geliyay noloshada dadka Kenyaanka faqriga ah.
Qaraarka kasoo baxay maxkamadda daaquuqda ee Kenya ayaa William Ruto ku qasbaya in markale uu soo diyaariyo xeerka maaliyadda oo ubaahan shaqo adag iyo dhaqaale xooggan.
FAAFREEB PRO