Aadan Bare Ducaale oo Qiray Musuqmasuqa ka Dhax Jira Dowlada Kenya.

Aug 2, 2024

Aadan Bare Ducaale oo ah wasiirka deegaanka dowlada Kenya ayaa qiray musuqmaasuqa xoogan ka dhax jira xukumada Wilyam Ruto.

Isagoo ka hor hadlayay baarlamaanka Kenya ayuu mrtad Aadan Bare Ducaale sheegay in musuqmaasuqa ka dhaxjira dowlada uu katirsanyahay uu ka daranyahay halista ay kala kulmayaan mujaahidiinta.

“Al-Shabaab waa la aqoonsan karaa oo waa la heli karaa, musuq maasuqase waa khatarta qarsoon ee dalka wax u dhimeysa,haddii maanta la i weydiiyo Al-shabaab iyo Musuq-maasuqa mid kee khatar weyn ku ah Kenya, anigoo aan ka labo labayn, waxaan dhihi lahaa Musuq-maasuq, waayo Al-shabaab waad garan kartaan, halka ay ku sugan yihiin waad garanaysaan, awooddoodana waad garanaysaan, balse Musuq-maasuqu waa midka dalkeenna dilaya” ayuu yiri.

Hadalka murtadkaan ayaa imaanaya iyadoo Kenya ay wajahayso xaalad adag oo dhinaca dhaqaalaha ay xukumada Nayroobina ay awoodi la’ahay inay kabta miisaaniyadeeda.

Kacdoonadii bishii lasoo dhaafay ee July gilgilay Kenya ayaa ku qasbay Wlyam Ruto in uu kala diro golahiisa wasiirada uuna soo magacaabo wasiro cusub si uu wax uga qabto musuqmaasuqa iyo sicir bararka ka jira wadanka.