Majalada cibriga ah ee Macariif ayaa daabacday maqaal muujinaya ra’ayi uruurin uu sameeyey Mac-hadka Laazaar ee hoos taga maamulka sahaayinada, taasoo ku aadan sida ay bulshadu yuhuud u arkaan dilkii loogeystay Ismaaciil Haniyah iyo Fu’aad Shugri.
Sida lagu cadeeyey qoraalka kadib markii ay soo gaba gabowday ra’ayi uruurintan, natiijada ayaa noqotay mid sidaan ah, boqolkiiba 69 dadka yuhuuda ayaa taageeray falkan lagu dilay ragan, halka boqolkiiba 19 ay kasoo hojeesteen, iyadoona 12-ka soo haray ay ka dhiibteen afkaar kala duwan oo qaarkood u muuqday kuwa mucduuca khaarij ka ah.
Qoraalka saxiifada oo si hoose u sii faaqidaya bulshada yuhuuda ee sida aadka ah usoo dhaweeyey weeraradan laga kala fuliyey Beyruut iyo Tehran, ayaa sheegay in qaarkood ay leeyihiin, “waxba uma aragno hadii ay xitaa talaabooyinkan dib u dhigayaan heshiisyada xabad joojineed ee la saadaalinayo iyo midka muhiimka ah ee maxaabiis isdhaafsiga”.
Bulshada sahaayinada badanaa haba taageersanaadaan falalkane balse maqaalka ra’ayi uruurinta ayaa si guud waxa uu u muujinayey, cabsida ay shacabka yuhuuda ka qabaan iney la kulmaan dharbaaxooyin adag oo kaga yimaada dhanka Iran iyo Lubnaan, siiba Lubnaan oo ay saadaashu filashada ka sareyso boqolkiiba 80%.
Isku soo wada xooriyo tan iyo bartamihii isbuucii tagay ay dunida faarujiyeen Ismaaciil Haniyah iyo Fu’aad Shugri, waxaa wali caalamka shaashadaha ugu horeeya hesta arinkan, iyadoona ay rog rogid badan ku sameynayaan qubaro isugu jirta siyaasiyiin iyo kuwa militari oo kasoo kala jeeda daafaha dunida.
FAAFREEB PRO