Sida ay soo tabinayaan qaar badan oo kamid ah warbaahinada kasoo baxa galbeedka Afrika iyo guud ahaan madiqada dibadbaxyo balaaran ayaa maalinimadii shalay ee jimacah ka qarxay gudaha dalka Nigeria.
Sida lagu cadeeyey warbixinada is xig xiga ee laga daabacayo arinkan, shacabka wadankaas ayaa si aad ah kaga gadoodsan qiimaha maciishada, iyagoona dowladda ku amraya iney hoos u dhigto canshuurta xarga goosedka ah ee ay kusoo rogtay ganacsatada.
Waxaa wadooyinka waaweyn ee caasimada Abuja lagu arkayaa boqolaal ruux oo sita boorar waaweyn oo ay ku hardhanyihiin ereyo muujinaya arimaha ay ku dhaliilayaan xukuumada uu hogaamiyo Bola Tinubu.
Dhanka kale muuqaalada qaar ee laga keenayo goobaha ay rabshaduhu kasocdaan ayaa muujinaya, booliska Nigeria oo rasaas nool nool ku furaya shacabka gadoodsan, halka ay mararka u adeegsanayaan suntan dadka ka ilimeysiisa.
Sidoo kale xogaha ayaa intaas ku daraya in laga cabsi qabo in dibadbaxayaashu ay kusii bahaan xumo muhiim ah oo xukuumada kaga soo xarooda daqli fara badan, sida goobo shidaal iyo kuwa saliida ceyriibna.
Inta badan bilihii u dambeeyey ee sanadkan 2024, waxay dalal badan oo dhaca qaarada afrika martigaliyeen rabshado dhiig badani uu ku daatay oo laga soo horjeedo, qawaaniin adag oo ay dowladouhu doonayaan iney meel mariyaan ama shacabku ay qaatiin ka taaganyihiin, waxaana xusuusanaa kuwii ka dhacay laga bilaabo Nairobi, Kampala iyo lagu geeyo galbeedka Afrika ee dhankaas iyo Abuja.
FAAFREEB PRO