Dagaallo Udhaxeya Murtadiinta Oo Ka Dhacay Shabellada-Hoose.

Aug 3, 2024

Iska hor’imaadyo u dhaxeeyay maleeshiyaadka murtadiinta Koonfur galbeed iyo kuwa macawiisleyda Riddada ah ayaa ka dhacay deegaan ka tirsan Sh/hoose.

Iska hor’imaadka oo ahaa mid culus oo ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Wallanweyn ee Sh/hoose, ayay labada dhinac ee murtadiinta ah isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Maleeshiyaadka dagaallamay ayaa isku haysta baadda ay ka qaadaan dadka shacabka ah, gaar ahaan dadka socotada ah ee isticmaala jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhaba.

Khasaare kala duwan ayaa kala gaaray maleeshiyaadka murtadiinta ee ku dagaallamay duleedka degmada Wanllaweyn, inkastoo aan tirakoob rasmi ah la helin.

Wasiirka amniga maamulka Riddada Koonfur galbeed murtad Xassan Cabdulqaadir Maxamed, oo warbaahinta maamulkiisa la hadlay ayaa murtad Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ku eedeeyay in uu si maalile ah lacago kumannaan dollar ah uga qaato dadka rayidka ah ee adeegsada jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhaba.

Dhankiisa murtad Daahir Amiin Jeesow ayaa si adag uga jawaabay eedda loo jeediyay, wuxuuna wasiirka amniga maamulka Ridada ah ee Koonfur galbeed ku eedeeyay in uu muddo labaatan cisho ah boqollaal gaadiid ah ku haystay duleedka Wallanweyn, si uu eedda baadda ay ciidankiisu qaadaan dusha uga saaro maleeshiyadiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ilo wareedyo ku sugan aaggii lagu dagaallamay ayaa sheegaya in labada dhinac ay is hor fadhiyaan, suuragalna ay tahay in markale ay foodda is geliyaan, sababta ay maleeshiyaadka isku haystaan ayaana ah baadda ay ka qaadaan gaadiidka dadweynaha rayidka ah, kuwaas oo maalmo ku xayiran jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba.