Gaadiidleyda Gobolada Dhexe oo Cabasho ka ah Kooxda Ridada.

Aug 5, 2024

Wadeyaasha gaadiidka ee ka howlgala gobollada dhexe ee Somalia, ayaa cabasho xooggan ka muujiyay isbaarooyin tira beel ah oo maleeshiyo ka tirsan Riddada iyo kuwa mooryaan ah soo dhigteen duleedka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Isbaarooyinka oo ay sheegeen inay yihiin kuwa aan tirakoob lahayn ayay tilmaameen in maleeshiyaadka murtadiinta ay dhigteen inta u dhaxayso degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan, halkaas oo lagu dhibaataynayo dadka shacabka ah.

Mid ka mid ah wadeyaasha gaadiidka oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in gaadiid fara badan ay hadda ku xayiranyihiin inta u dhaxayso degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan, qarkana ay u saaranyihiin inay gabi ahaanba joojiyaan isticmaalka waddadaasi.

Wuxuu sheegay in isbaaro walba wadeyaasha gaadiidka lagu qasbo inay bixiyaan lacago xad-dhaaf ah, haddii ay diidaana oodda looga qaadayo rassaas nool nool.

“Isbaarada taalla wax la koobi kara ma aha, isbaarada aan kusoo maray Salax Jeere iyo magaalada afkeeda 50 way dhantahay,marka dhibaatadaas ayaa jirta” ayuu yiri mid kamid ah gaadiidlayda isticmaasha wadada isku xirta Matabaan iyo Baladwayne.

Maleeshiyaadka kooxda Riddada Somalia ayaa caan ku ah lacagaha baadda ay ka qaadaan dadka shacabka ah, inta badan wadeyaasha gaadiidka ee isaga kala goosha koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaana dhibbane u ah isbaarooyinka tira beelka ah ee murtadiintu ku dhacaan dadka socotada ah.