Roobab Mahiigaan ah oo ku Dhuftay Qeybo Kamid ah Suudaan.

Aug 7, 2024

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay lasoo warinayaa in roobab mahiigaan ah oo ka da’ay waqooyiga Suudaan ay sababeen dhimashada ilaa 17 ruux, waana sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka wadankaas.

Khasaaraha ka dhashay roobabkaasi ayaa uga sii daray xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socda mudada16-ka bilood ah walina sii holcaya.

Korontada ayaa ka maqan magaalada Khartum, dadkuna waxay ku hoyanayaan meel bannaan ah iyagoo ka baqaya roob kale, waana sida ay warbaahinta la wadaageen shaqsiyaad goob joog ah.

Dhanka kale ilaa Koow iyo Toban kun oo guri ayaa dumay, waana sida uu sheegayo Samiir Sacad oo ah wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka.

Sidoo kale waxaa jira tiro dad ah oo ay saameyn xoogan ku yeeshaan roobabkan xoogan, waxaa lagu qiyaasay ilaa 170 ruux oo isugu jirta bulshada qeybeheeda kala duwan.

FAAFREEB PRO