Ciidamada xabashida Itoobiya ayaa isaga baxay dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, sida lagu sheegay war kasoo baxay isbahaysiga Kufaarta Afrikanta ee dullaanka ku jooga Soomaaliya.
Saldhigaan ayaa lagu wareejiyay maleeshiyaatka murtadiinta, waana saldhigii lixaad oo mudo sadax bil gudahood ah ay wareejiso ATMIS.
Ciidamada xabashida ayaa duullaan ku qabsaday Maxaas bishii Maarso ee sanadkii 2014-kii, tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha uu ururka midowga Afrika ku dhimayo ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya.