Mid kamid ah xillidhibaanada kooxda ridada Soomaaliya ayaa warqad eedeyn ah u diray masuuliyiin sar sare oo ka tirsan bandhiga dhexe ee Soomaaliya, isagoona ku eedeeyey musuqmaasuq baahsan oo ka dhax jira gudaha bangiga.
Murtadka warqadan diray ayaa lagu magacaabaa Cabdullahi Xaashi Abiib, waxa uu mar xubin kasoo noqday shaqaalaha bandhigaga dhexe ee Soomaaliya.
Ninkan ayaa sheegay in waqadiisan ay ku wajahantay madaxa kooxda ridada Xasan Sheikh Maxamuud, murtad Xamse Cabdi Barre, masuuliyiinta ugu sar sareysa bandhiga dhexe ee Soomaaliya iyo cid kasta oo qeyb ka ah shaqaalaha bangigaas.
Waxa uu murtadkan daaha ka rogay in musuq daran uu hareeyey gudaha bangiga, ayna ogyihiin masuuliyiinta ugu sar sareysa xukuumada ridada ah ee Muqdisho balse ay iska indha tirayaan wax waliba waa sida uu hadalkau dhigee.
Waxa Cabdullahi Xaashi Abiib qoraalka warqadiisa ku sheegay in intii uu ka tirsanaa masuuliyiinta bagiga dhexe ay dhowr mar warqado ay ku codasanayaan in la shaaciyo wareegtada Rasmiga ah ee dib-u-magacaabista ay u direen hogaanka ridada balse uu iska indha tiray.
Ugu damebyntii warqada ninkan ayaa muujineysa heerka uu gaarsiisanyahay musuqa ka dhaxjira kooxda fadhigeedu uu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, iyadoona soo laabashii uu murtad Xasan Sheikh kusoo laabtay kursiga Villa Soomaaliya ay shacabka Soomaaliyeed dhaxalsiisay boob iyo biliqo joogta ah oo ay geesanayaan maleeshiyaatkiisa hanka yar.
FAAFREEB PRO