Dawladda Turkiga oo Maleegeysa Qorshe ay ku Gacangalin Karto Badda Soomaaliya.

Aug 10, 2024

Sida aan kusoo sheegnay warkeenii subax dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay wado qorshe ay kooxda ridada Soomaliya uga saxiixayso inay Itoobiya la siiyo qeyb kamid ah badda Soomaliya.

Waxaa hadalkaan magaalada Istanbul ka sheegay wasiirka Arrimaga dibadda Turkiga oo kulan la qaatay dhigiisa Itoobiya oo booqasho ku jooga dalka Turkiga.

Ninkan wuxuu sheegay in todobaadka soo socda dalka Turkiga uu ka furmi doono wareegii labbaad ee wadahadalka u dhaxeeya kooxda ridada Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya.

Wuxuu kaloo tibaaxay wasiirka arrimada dibadda Turkiga in uu dhow yahay heshiis ay labbada dhinac ka gaaraan qidiyadda in Itoobiya la siiyo bad ay Soomaaliya leedahay.

Kooxda fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa hada u muuqata mid ku qanacsan sida ay wax kuwado xukuumada Ankara, maadaama murtad Xasan Sheikh Maxamuud uu markii hore ku doodayey iney ka careysanyihiin sababta iyaga loogala xaajoonwaayey bada Soomaaliya oo loo soo maray dhanka maamulka isku magacaabay Soomaaliland.

Mar hadii hada ay Itoobiya go’aansato iney Xasan soo martana, waxaa biyo kama dhibcaan ah inuu har cad u saxiixi doono xeebaha Soomaaliya waliba in kabadan intii uu bixiyey murtad Muuse Biixi Cabdi.

Waxaana xusuusanaa in Xasan Sheikh uu horay u sheegay in Itoobiya aysan u diidaneyn wax bada ah balse ay qaldaneed meesha ay soo mareen, taasoo dabcan ah badeena waa idiin ogolnahay ee anaga nasoo mara.

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha kala duwan ee Internet-ka gaar ahaan barta X si aad ah la iskula dhaxmarayaa hadalkan kasoo yeeray dowladda Turkiga iyo sida uu noqon doono midka kasoo bixi doona kooxda ridada Soomaaliya, oo ay bulshaduba badanaa hada sii saadaalinayaan guracnaantiisa.

FAAFREEB PRO