Taliska ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa walaac ka muujiyay awoodda Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab iyo masiirka askartii qaaradda ku sugan.
Xukuumada washington ayaa walaac ka muujinaysa in ay sii yaraanayso awoodeeda qaaradda afrika iyo saameynta ay ku leedahay isbedellada ka curtay qaar kamid ah dalalka qaaradda.
Taliska ciidanka AFRICOM ee saldhiggiisa ugu weyn uu kuyaal dalka Jabuuti ayaa wajahaya taxadiyaad ballaaran waana sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin American ah.
Isbuucii lasoo dhaafay ciidamada Mareykanka ayaa dhameystiray ka bixitaankooda dalka Niger ee dhaca galbeedka afrika, kadib amar ugu yimid xukuumadda melleterigu gacanta ku hayo ee talada dalka inqilaabka kula wareegtay.
Saldhiggan oo kuyiilay magaalada Agaadiis waxaa ka howlgelayay inkabadan 1000 askari, kuwaas oo qeyb ka ahaa xamlada saliibiga ah ee lagu qaaday muslimiinta saaxilka gaar ahaan dalalka Maali,Niger iyo Burkiina Faaso.
Maykal Maakool oo katirsan xildhibaannada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga, si aad ahna ula socday arrimahan ayaa ka dardaar weriyay in siyaasadda Washington ee qaaraddan ay meesha ka bixi doonto.
Wuxuu tusaale usoo qaatay in dowladda shiinaha oo loollan dhaqaale kula jirta Mareykanka ay si xowlli ah isugu fidinayso qaaradda afrika, wuxuu sheegay in Mareykanku uu arrimo melleteri iyo iskaashi amni oo kaliya uu la saxiixday qaar kamid ah dowladaha afrika arrinkaasna uusan wax faa’iida ah keenin, taas cagsigeedna uu Shiinuhu si dar dar ah ay kusii baahayaan afkaartiisa kala duwan.
Su’aalo dhowr ah oo Maykal laga weydiiyay kaalinta taliska AFRICOM uu ku leeyahay qaaraddan ayuu uga jawaabay qaab dhaliil ah isagoona raaciyey tuusaalooyin dhowr ah.
Mas’uulkan American ah ayaa tusaale nool usoo qaatay in duullaanka Mareykanku uu ka wado Soomaaliya, iyo ku lug lahaanshiyaha dagaalka waxa loogu yeero Argagaxisada uu yahay mid gacma daalis ah, islamarkaana ay siyaasad khaldan wajahayso wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka oo iyadu maamusha taliska AFRICOM.
Ninkan ayaa carabaabay in safaarada Mareykanka ee magaalada muqdisho ay tahay midda ugu khatarta badan caalamka, heer ay gaartay in saraakiisha American-ka ay awoodi waayeen in ay ku dhax socdaalaan magaalada gudeheeda.
Wuxuu masuulkan sidoo kale walaac daran ka muujiyay awoodda shabaabul mujaahidiin iyo saameynta ay ku leedahay geeska afrika gaar ahaan soomaaliya.
Dowladaha Ruushka iyo shiinaha ayaa iyana Mareykanka udaba maryeeyay dhowr dal oo afrikaan ah, kuwaas oo uu markii hore ku lahaa joogitaan xoogan, sida mandiqadda saaxilka oo inteeda badan reergalbeedka laga xida siibay.
FAAFREEB PRO