Isbaarooyinka oo Xarga Goosad Noqday Gobolka Hiiraan.

Aug 11, 2024

Meel walba isbaarooyin musaafurka lagu dhaco dumarkana lagu kufsado ayaa daadsan mana jiro deegaan ka nabad galay xummaanta maleeshiyaadka murtadiinta halkani waa bariga Hiiraan iyo wadada laamiga ah oo ay ka jiraan falal burcadnimo kuwii ugu xumaan ee deegaanka lagasoo diiwaan geliyo tan iyo bartamihii sagaashameeyadii.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kooxda Ridada iyo kuwa Macaawisleyda ay isbaarooyin isku muuq muuqda soo dhigteen inta udhaxaysa Matabaan illaa iyo beledweyne waxaana tuulooyinka lagasoo diiwaangeliyay dhacdooyin fool xun.

Isbaarooyinku waa kuwa isku xiriirsan oo si qorshaysan loosoo dhigay dhammaan deegaannadii uu cadowgu ku qabsaday billaawgii xamladii ashahaadda ladirirka aheyd ee xasan gurguurte iclaamiyay sanadii 2022-kii.

Magaalada Beledweyne culimaa’udiinka iyo waxgaradka ayaa qeylladhaan afka furtay waxayna ku baaqeen iskusoo baxyo loogasoo horjeedo isbaarooyinka ay maleeshiyaadka murtadiintu udhiganayaan gaadiidka iyo xataa dadka caadiga ah.

arrimaha layaabka leh ee Hiiraan lagasoo diiwaangeliyay waxaa kamid ah in lacago baad ah lagusoo rogay dugsiyada qur’aanka iyo dadka caadiga ah ee luganaya waxaana laga furanayaan moobillada iyo saacadaha.

deegaannada Hees,Teedaan,Coomaad illaa iyo Moqakori waxay isbaarooyin uyaallaan maleeshiyaadka mooryaanta Macaawisleyda isugu yeera halka maleeshiyaad kale oo kooxda ridada si toos ah u hoostaga ay iyana isbaarooyin dhigteen ayna shacabka dhacayaan.

Sedaxdii bilood ee lasoo dhaafay dad ka badan 20 ruux oo dhammaantood musaafur ahaa ayay maleeshiyaadka murtadiinta ku dileen bariga Hiiraan.

Odayaal dhaqameedyo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in waxa ka socda Hiiraan ay halis weyn keeni karaan waxayna ku baaqeen in maleeshiyaadkan murtadiinta diiratada ah bulshada laga qabto.

Waxaa dhaboobay digniinihii ay aqoonyahanada Soomaaliyeed iyo hoggaanka dhaqanka ay ka bixinayeen maha-dhooyinka laga dhaxli doono dhismaha maleeshiyaadka macaawisleyda dabadhilifyada ah oo ay sameeyeen saliibiyiinta mareykanka iyo kooxda ridada soomaaliya.

Xasan Gurguurte iyo wasiirro katirsan xukuumadda Xamza Cabdi Barre ayaa dhismaha maleeshiyaadkan usameysan jiray suuq geyn waxaana muuqata in maleeshiyaadkaas kooxda ridadu maalgeliso ay qabanayaan shaqooyinkii loo igmaday oo ahaa dhibaateynta muslimiinta, waa maleeshiyaad astaantoodu tahay ashahadda ladirirnimo iyo fasaad idilkiis.

FAAFREEB PRO