Qaar badan oo kamid ah jaamacadaha reer galbeedka oo qaaday talaabooyin ay kula safanayaan ardaydooda kasoo horjeeda waxa ka socda Qaza, iyagoona lugaha kala baxay heshiiso fara badan oo ay masaalix ugu jirtay Yuhuuda.
Sida ay xoguhu soo gudbinayaan waxaa tan iyo isbuucii lasoo dhaafay kacdoon xoogan bilaabay jaamacado fara badan oo ku yaala qaara Yurub, iyagoona sheegay iney ugu dambeyn kusoo baraarugeen waxa ay ardayda u sameynayeen kacdoona iyo xasuuqa bahalnimo ee ay sahaayinadu kawadaan gudaha Qaza iyo guud ahaanba Filistiin.
Jaamacadahan ayaa shirkado badan oo xiriir la leh maamulka gumeystaha yuhuuda kala laabtay heshiisyo ay kula jireen oo ku fadhiyey malaayiin dollar, kuwaasoo markii ay u kuurgaleen dhaqaale adag uu kaga soo xaroodo xukuumada isku magacowday Israel.
Masuuliyiin qaar badan kamid ah jaamahdaha reer yurub ayaa sheegay in talaabadaan aysan ka laaban doonin, ilaa Binyamin Natahyaahu uu ka joojinayo dilka aan kala soo lahayn ee uu ka wado gudaha Qaza iyo bara kciinta shacabka nuucyadiisa kala duwan.
Waxay maamulka gumeystaha yuhuuda uga dhigantahay dharbaaxo kale oo kaga timi dhanka bulshada caalamka, iyadoona aan ogeen wixii kacdoon ahaa ee ay dhigeen boqolaal arday ah oo kasoo kala jeda daafaha caalamka oo ka careysan, waxa gumeystuhu iyo inta naas nuujisa ay kawadaan dhulka Filistiin.
FAAFREEB PRO