WAR SAXAAFADEED: Cagmarinta Saldhigga Murtadiinta ee Duleedka Degmada Balcad .

Aug 13, 2024

Taliska Ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa war saxaafadeed  kasoo saaray howlgalkii saaka ciidamada mujaahidiinta ay cagta ku mariyeen saldhigii maleeshiyaatka murtadiinta ee deegaanka Ilbaq ee duleedka dagmada Balcad ee wilaayada Shabeellada-Dhexe.

HOOS KA AQRISO BAYAANKA

‘Cagmarinta Saldhigga Murtadiinta ee Duleedka Degmada Balcad’


09 Safar 1446H (13 Agoosto 2024) – Subaxnimadii hore ee talaadada, ciidamada Mujaahidiinta oo kaashanaya Allaah Subxaanahu Watacaalaa, waxay weerar xoogan ku qaadeen saldhigga maleeshiyaatka murtadiinta deegaanka “Ilbaq” ee duleedka degmada Balcad ee Wilaayada Islaamiga Shabeelaha Dhexe. Saldhigga la weeraray ayaa ka mid ahaa xeryihii ay ciidamada kuffaarta Burundi ku wareejiyeen murtadiinta, waxaana ku sugnaa boqolaal maleeshiyaat ah.

Ciidamada mujaahidiinta oo isha ku hayey dhaq-dhaqaaqa xerada ayaa saakey dhowr jiha ka weeraray cadowga, dagaal xoogan kadibna, waxaa u suuragashay inay si buuxda ula wareegaan xerada, cagtana mariyaan maleeshiyaatkii murtadiinta. Khasaaraha dhimashada ee ilaa hadda aan xaqiijinay waa dhimashada 27 murtad iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.

Dagaalka ugu xoogan ayaa ka dhacay dhulka hawdka ah ee ay ku firxadeen maleeshiyaatka murtadiinta, halkaas oo ay mujaahidiintu ku baacsadeen maleeshiyaatkii ka cararay saldhigga. Allaah fadligii, waxay Mujaahidiintu howlgalkan kusoo qaniimeysteen hub, gaadiid iyo saanad ciidan oo uu cadowga kaga cararay xerada.

Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ballan ku qaaddeysaa inay sii wadi doonto Jihaadka ka dhanka ah isbahaysiga caalamiga ah ee saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah, illaa ay geyiga Soomaaliyeed ka saareyso cadowga hororka ah ee ku soo duuley, iyo illaa diinta dhamaanteed ay Allaah keliya u sugnaaneyso.

 

DHAGAYSO BAYAANKA OO COD AH