Shirkii Itoobiya Lagu Kala Dooransiinayay Boobka Xeebaha Soomaaliya oo Fashilmay

Aug 13, 2024

Waxaa fashil iyo guuldarro kusoo idlaaday wadahadallo magaalada Anqara ee caasimadda wadanka Turkiga uga socday dowladda Xabashida Itoobiya iyo kooxda Ridada Soomaaliya.

Dulucda wadahadalladan ayaa ku qotomay sidii loo qeybsan lahaa biyaha Soomaaliya, Itoobiya waxay doonaysaa in loo sharciyeeyo qabsashada badda Soomaaliya halka Turkigu uu doonayo in Xabashida teeda loo yeelo si uu ugu ilaashado masaalixdiisa gumeysi iyo boobka dhaqaale ee uu ka leeyahay Soomaaliya.

Warbaahinta Turkiga ayaa soo tebisay in wadahadallada lagu kala tagay islamarkaana wufuuddii labada dhinac ay ukala dhoofeen magaalooyinka Addis Ababa iyo Al Qaahira.

Sababa ugu muhiimsan ee uu shirka Anqara ufashilmay ayaa lagu sheegay Itoobiya oo rabta xeebaha Gacanka Cadmeed ee xeebaha waqooyi galbeed Soomaaliya kuwaas oo masaafo ahaan aad uga dhow xeebaha Koonfurta ee Badweynta Hindiya, Sababtaas ayay Itoobiya u diidan tahay in ay heshiis gaar ah la gasho kooxda riddada ee uu hoggaamiyo Xasan Gurguurte sida wararku sheegayaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in wafdiga itoobiyaanka ay miiska soo saareen shuruudo ay kamid ahaayeen in aan marnaba lasoo hadal qaadin MOU-gii ama is afgaradkii ay lagaleen Muuse Biixi taas bedelkeedna kooxda Riddada Soomaaliya ay caddeyso marin badeedka ay Itoobiya siinayso.

Xabashida ayaa aad ugu indha adkaa in waxa ay ubaahanyihiin ay yihiin marin badeed oo aysan macna weyn ugu fadhin in layiraahdo dekado ayaad ka dhisanaysaan xeebaha Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka arrimaha dibadda kooxda Riddada islamarkaana hoggaaminayay wafdigii dhanka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku xaqiijiyay in wadahadallada lagu kala booday islamarkaana Itoobiya ay doonayso qaadashada badda Soomaaliya.

“Shirkii 2aad waa soo gaba gaboobay waxaana lagu ballamay shir 3aad, Soomaaliya mawqifkeedu waa hal mid oo aan aqbalayn “ku qabso ku qadi mayside” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa doonaysa in loo saxiixo qaadashada qeyb kamid ah badda Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Zeylac, Diblumaasiyiin Itoobiyaan ah ayaa lagasoo xigtay in wasiirka arrimaha dibadda Xabashida uu si toos ah ula xiriirayay Abiy Axmed arrinkaas oo muujinayay in dowladda Itoobiya ay ka go’antahay qaadashada Badda Soomaaliya.

ilo wareedyo kale waxay sheegayaan in Itoobiya ay dadaal dheeraad ah ugu jirto sidii ay meelmar uga dhigi laheyd heshiiskii ay horay ula saxiixatay Abiy Axmed waxayna iska xallisay caqabadihii arrinkaas ka hor taagnaa oo ahaa dhaqaale, dhowaan Bankiga adduunka iyo IMF-ta ayaa lacag gaaraysay 10 Bilyan oo ammaah ah u ogolaaday xukuumadda Addis Ababa waxaana larumeysanyahay in lacagtaas ay u adeegsan doonto meelmarinta heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay lasaxiixatay Muuse Biixi Cabdi.

Isbedel siyaasadeed oo kuyimaad hoggaanka dowladda Mareykanka ayaa isna larumeysanyahay in Abiy Axmed uu ka war dhowrayo kadibna uu ciidamadiisa badda usoo diri doono gobolka Awdal.

Cadaadisyo ay bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqanka gudaha dalka iyo dibaddiisa ay saareen kooxda Ridada ayaa ku qasabtay in ay ku dhici wayso saxiixidda heshiis ku sheeg lalagalo itoobiya.
Baraha bulshada waxaa is qabsaday qeylladhaan ay soomaalidu ka muujinayeen shirqoolka Turkiga lagasoo abaabulayay.

Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in guusha ugu weyn ee dowladda Itoobiya ay hadda ku naaloonayso ay tahay in wadahadal caalami ah ay ka gasho badda soomaaliya oo aysan iyadu laheyn waxaana kooxda ridada guuldarro ugu filan in ay wadahadal ka ogolaato badda umadda Soomaaliyeed.

FAAFREEB PRO