Markii ugu horraysay ayay xukuumadda dabadhilifka Jabuuti ka hadashay shirkii guuldarrada kusoo idlaaday ee ka dhacay wadanka Turkiga kaasi oo looga doodayay qaabka dowladda xasbashida Itoobiya lagusiin karo qeyb kamid ah abdda Soomaaliya.
Xukuumadda Ridada Jabuuti ayaa muujisay in wax natiijo ah aysan kasoo bixi doonin wadahadallada udhaxeeya wufuudda kala metelaysa Xasan Gurguurte iyo Abiy Axmed.
Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Jabuuti ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Asharqul Awsat wuxuu si qota dheer uga hadlay damaca Itoobiya ee ku wajahan badda Soomaaliya,mustaqbalka wada xaajoodyada uu Turkigu garwadeenka ka yahay iyo mowqifka dowladdiisa ee arrintan ku wajahan.
Ugu horrayn Maxamuud Cali Yuusuf ayaa carabaabay in aan heshiis laga dhax filayn xukuumadaha Addis Ababa iyo Muqdisho sababa laxiriira Itoobiya oo doonaysa in ay qaadato badda Soomaaliya iyo nidaamka Villa Somalia oo aan ku dhiiran karin in uu saxiixo heshiis nuucaas ah.
Wuxuu markii ugu horraysay daaha ka feyday in Jabuuti ay bilo ka hor isku dayday in ay wadahadal dhax dhigto labada dhinacn si loo qaboojiyo buu yiri xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay MOU-gii lasaxiixay bishii janaayo ee sanadkan 2024.
Maxamuud Cali Yuusuf oo reja beel ka muujinayay wadadahadalla Turkiga ka socda ayaa ku nuux nuuxsaday in waxa kaliya ee wadahadalladaas ku guulaysan karaan ay yihiin Itoobiya oo looga tanaasulo badda Soomaaliya “Xalku wuxuu ku jiraa in mid ka mid ah labada dowladood uu ka tago mowqifkiisa ku aaddan arrimaha badda ee laysku hayo.” ayuu yiri wasiirka khaarijiga Jabuuti.
Wasiirka Jabuutiyaan ah ayaa wargeyska Asharqul Awsat uga cudur daartay in uu bixiyo tafaasiisha dhax dhaxaadintii fashilintay ee ay sameeyaan wuxuuna ku gaabsaday “ma awoodo in aan faah faahin dheeraad ah ka bixiyo waxa fashilay dhax dhaxaadinteeni sababa laxiriira sir ahaanshiyaha arrinkaas” ayuu markale yiri Maxamuud Cali Yuusuf.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda Itoobiya oo horor ku ah badda Soomaaliya ay xiriir lasameysay Turkiga ayna ka codsatay in uu qaban qaabiyo shirar looga doodayo sidii ay ku heli laheyd qeyb kamid ah badda Soomaaliya waxaana kasii horreeyay ayuu tibaaxay wadahadallo ka dhacay Kenya kuwaas oo aan wax natiijo ah laga keenin.
Waxaa xusid mudan in maalmo yar ka hor intii aysan Muuse Biixi iyo Abiy Axmed kala saxiixan heshiiskii xaaraanta ahaa uu Ismaaciil Cumar Geelle kulmiyay Xasan Gurguurte iyo hoggaamiyaha maamulka Somaliland arrinkaas oo shaki badan gelinaya in Jabuuti ay daaha gadaashiisa ka taagantahay shirqoolka waloow markii dambe Geelle uu qaaday tallaabooyin ka dhan ah maamulka Hargeysa.
FAAFREEB PRO