Itoobiya oo Maalmahan Martigalineysaa Dagaallo Qaraar.

Aug 15, 2024

Waxaa gudaha dalka Itoobiya laga soo sheegayaa in muddo Laba maalmood oo xiriir ah ay kasocdaan dagaallo qaraar oo u dhexeeya askarta Fano iyo ciidanka dawladda xabashida Itoobiya.

Sida uu ku waramayao mid kamid ah wargeysyada kasoo baxa gudaha dalkaas dagaalada ugu badan ayaa ka dhacay deegaanka Gojjam ee gobolka Axmaarada.

Waxaa halkaas ka dhashay khasaara aan xadigiisa la shaacin oo soo kala gaaray Labada dhinac.

Asres Mare oo ah madaxa qaybta siyaasadda ee ciidamada Fano ee Gojjam ayaa warbaahinta u sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay ku dhawaaqeen hawgal cusub oo ay ku naafeynayaan ciidamada Abey Axmed, kaasoo ay ugu jawaab celinayaan weeraradii ay dhawaanahan kala kulmayeen dhanka askarta Itoobiya.

Sidoo kale ninkan ayaa sheegay in iyagu ay hada qaadeeen weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Gojjam, kadib markii ay heleen xogo daqiiq ah oo ku saabsan socdaalka askar iyo saraakiil fara badan oo soo gaartay Gojjam.

Xiisada Itoobiya ayaa marba marka kasii dambeysa u muuqata mid kasii lixaadsaneysa sidii hore, dhinacyada ayaana si aad ah usii kala fogaanaya xalna warkiisaba iska daa.

FAAFREEB PRO