Akhriso: Itoobiya oo Billaawday Dhaqdhaqaaqyo Milatari Kadib Heshiiskii Al-Qaahira.

Aug 15, 2024

Sagaaka bishaan ayn ku guda jirno ee  August, golaha amaanka Midowga Afrika ayaa soo saaray, qoraal dheer oo uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo marxalada kala guurka ah ee uu ku jiro dullaanka saliibiga ah ee ay ku joogaan wadanka.

AU ayaa sheegtay in kadib sanadka 2025 marka uu soo gabagaboobo howlgalka ATMIS ay ku dhawaaqi doonaan mid kale oo soconaya mudo kooban, islamarkaana qeyb ay ka yihiin dowlado cusub oo aan horay ugu jirin isbihaysiga uguna horayso dowlada Masar.

Go’aankaasi ayaa ahaa dhawaaq aan uwanaagsanayn  dhagaha qaar kamid ah xulufada ku bahowday   dagaalka kadhanka ah islaamka ee kasocda Soomaaliya, waxaana Addis Ababa iyo Qaahira ka billaawday kulamo iska soo horjeeda oo Masar ku doonayso in ciidankeeda ku keento dalka ,iyo dadaallo Itoobiya ay ku rabto in ay ku hor istaagto qorshahaasi.

Xiisada ayaa faraha kasii baxday markii maalinkii shalay madaxwaynaha Kooxda Ridada murtad Xasan Sheekh Maxamuud uu heshiis dhinaca difaaca ah la galay Masar, kaas oo dhigaya in Qaahira ay ciidankeeda keento qeybo koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya.

Tallaabadaasi waxaa aad uga carooday dowlada Itoobiya oo durba billawday dhaqdhaqaaqyo milatari, maadaama ay aaminsantahay in xuduudeeda uu kusoo dhawaanayo duul ay cadow u aqoonsantahay kalana dhaxeeyo siraac dhaqaale iyo mid milatari.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Itoobiya Nebiyu Tedla oo warbaahinta kula hadlay Addis ayaa digniin udiray midowga Afrika, wuxuuna usheegay golaha in ay qasab tahay in lagala tashto howlgalka cusub ee Soomaaliya, sidoo kalane laga fogaado xiisad cusub oo gobolka ka dhalata.”Si taxadar leh ha looga fiirsado isbeddelada ciidamada nabad ilaalinta Somalia, si looga fogaado xiisado lama filaan ah oo gobolka ka dhaca.” ayuu yiri afhayeenka wasarada arimaha dibada xukumada Addis Ababa.

Kooxda Ridada ayaa horay usheegtay in hadii ay iyada iyo Abey Axmad gaarin heshiis rasmi ah, aysan ciidanka nasaarada itoobiya qeyb ka noqon doonin, howlgalka cusub ee midowga Afrika, tani oo lagu daray heshiiskii Al-siisi iyo Gurguurte ayaana keenay in  Itoobiya ay feejignaan ka muujiso xaaladaha bilaha soo socda kasoo wijihi kara Soomaaliya.

Saacado kadib hadalka Nebiyu Tedla, milatariga xabashida ayaa bilaabay dhaqaaqyo milatari oo waaweyn, waxaana xuduud beenaadka udhaxeeya dhulka Soomaali Galbeed iyo Soomaaliya soo gaaray janaraallada ugu sareeya milatariga Itoobiya oo uu horkacayo taliyahooda guud Berhanu Jula.

Jula oo gelinkii danabe ee maanta ka dagay deegaanka Feerfeer oo ay Itoobiya ka hirgalisay saldhig ciidan, ayaa usheegay ciidankiisa in ay halkaan ujoogaan difaaca dalkooda oo uu carabaabay in ay ka difaacayaan cadaw, loogana baahanyahay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

Magaalada Godey ee dhulka Soomaali Galbeed ayaa iyadana laga hirgaliyay garoon diyaaradeed, ilo wareedyo milatari ayaa sheegay in saldhigaani laga hagi doono diyaaradaha aan aan duuliyaha laheyn ee xabashidu kasoo iibsadeen Turkiga.

Dhaqaaqyadaani ciidan ee ay Itoobiyaanku durba bilaabeen ayeey falanqeeyaashu ku sheegayaan mid looga jawaabayo heshiiskii Qaahira ku dhaxmaray Gurguurte iyo Al-Siisi, kaas oo xukumada ridada Mugdisho Masar ugu sharciyeysay in ay ciidankooda soo galiso dalka, saldhigyana kasiiso goobo ay kamid yihiin xuduud beenaadka udhaxeeya Soomali Galbeed iyo Soomaaliya.

 

Dhanka kale Labo maalin kadib markii ay fashilmeen wadahadalladii magalada Ankara uga socday kooxda ridada iyo Itoobiya, ayey xukumada Addis Ababa waxay sheegtay in ay fulin doonto heshiiskii ay la galeen maamulka Soomaaliland, ayna lagama maarmaan tahay in 120-ka milyan ee Itoobiyaanka ay bad ka heleen xeebaha Bada Cas.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Itoobiya Nebiyu Tedla oo hadlayay ayaa sheegay in aysan gadaal uga laaban doonin isfahmkii ay la galeen Muusa Biixi horaantii sanadkaan, baahida ay Itoobiya bad uqabtana ay dareensan yihiin dowladaha caalamka.

“Dowlad ahaan Itoobiya, weydiinteeda ku aadan in ay bad hesho,waxaa loo arkayay arin ceeb ah,laakiin dhamaan dhaxdhaxaadiyayaasha oo Turkigu ku jiro,iyo daneeyayaasha caalmiga ah waxay ka garaabayaan  in ay Itoobiya adeeg badeed ku hesho qaab  nabadgalyo ah,arintaas oo caalamka aqbalay ,anaga wax weyn ayeey nooga dhigantahay,sidaa darteed arimahaas ayaan hada sii    dardargalinaynaa,baahida aan uqabno adeeg badeed, waxay noqonaysaa mid si xoogleh  aan uga shaqayno” ayuu yiri Nebiyu Tedla

Nidaamka Abey Axmad ayaa dadaalkasta ku bixinaya sidii saldhigyo ciidan iyo dekado uga samaysan lahaa xeebaha Bada Cas, Abiy ayaana qaadaya talaabo kasta oo uu ku rumayan karo riyada ay ku taamayaan malaayin Itoobiyaan ah, sidii loo rumayan lahaana ay kasoo shaqeeyeen boqoro iyo hogaamiyaal soo maray dowladaani kor usida bandiirada saliibka, nasaaradana ku matalaysa mandiqada geeska Afrika, hiigsanayna in ay xeebaha Bada Cas unoqoto albaab ay ka galaan qabsashadaa dhulalka barakaysan.

FAAFREEB PRO