Uganda oo Mareykanka ka Dalbatay in Magdhow Laga Siiyo Askartii Looga Dilay Soomaaliya.

Aug 17, 2024

Taliska ciidanka kuffaarta Yugaandha ayaa dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka ka dalbaday bixinta magdhowga ciidankiisa looga dilay Soomaaliya ee qaybta ka ahaa duullaanka ashahaada la dirirka ah ee ay kaga jiraan Soomaaliya.

Taliyaha ugu sarreeya ciidanka saliibiyiinta Yugaandha General Muhoozi Kainerugaba ayaa qoraallo kala duwan oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee X ku dalbaday magdhow qiimihiisu dhan yahay 100 Bilyan oo dollar, oo ay ka doonayaan inay bixiso dowladda Maraykanka.

“Mareykanku waxaan ku leenahay ugu yaraan 100 bilyan oo doolar oo ah shaqadeenna Soomaaliya,” ayuu ku yiri Muhoozi mid ka mid ah qoraallada uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee X oo horay loo oran jiray Twitter.

Hadalka taliyaha ugu sarreeya ciidamada saliibiyiinta Yugaandha oo ah wiil uu dhalay baadariga madaxweynaha ka ah waddankaasi, ayaa kusoo beegmaya xilli uu gabaabsi marayo howlgalka ashahaada la dirirka ah ee loogu magac daray ATMIS.

Dowladda Uganda ayaa ahayd tan ciidanka ugu badan ee murtazaqada saliibiyiinta Afrikaanta ah usoo dirtay Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan howlgalka ashahaada la dirirka ah ee isbahaysiga saliibiga ah kaga jiraan waddanka, bishii Maarso sannadkii 2007-dii ayayna kumannaan ciidamo calooshood u shaqaysteyaal ah kasoo dejiyeen Muqdisho.

Ciidamadan kuffaarta ah ayaa tan iyo sannadkii 2007-dii si wayn loogu dhiigbixinayay dagaallada waddooyinka ee magaalada Muqdisho iyo sidoo kale furimaha dagaalka ee Sh/hoose, weerarkii ugu dambeeyay oo ahaa midkii magaalada Buulo-mareer ee taariikhda galay, ayaa dhacay lixdii Dul-qicdah 1444 Hijri, halkaas oo Allaah fadligiis lagu dilay in ka badan 200 oo ciidamada Yugaandha ah.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii waraysi uu bixiyay Maxamed Al-Amin Suweef, oo ah wakiilka gaarka ah ee midowga gaalada Africa ugu magacaaban Somalia uu ku sheegay in howlgalkiisa uu diiwaan geliyay dhimashada ku dhawaad ​​4,000 oo saliibiyiin Afrikaan ah oo lagu dilay howlgallada mujaahidiinta ee Soomaaliya, kuwaas oo badi kasoo jeeda dalalka Yugaandha iyo Burundi.

Kusoo biir janaladeena Telegram-ka 👇

https://t.me/faafreeb_240

https://t.me/faaf_breaking1

https://t.me/Faafka5555