Wararka ka imaanaya wadanka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya in ganacsato Soomaaliyed dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar ay fuliyeen kooxo burcad ah.
Dhacdadaan ayaa waxay si gaar ah uga dhacday xaafada Houtbay ee katirsan magaalada Cape Town, kooxaha burcadka ah ayaana rasaas ku furay goobo ganacsi.
Hal ruux oo Soomaali ah ayaa ku dhintay falkaasi halka ay ku dhaawacmeen ilaa sadax kale.
Ganacsadaha Soomaaliga ah ee dhintay ayaa lagu magacaabaa C/raxmaan Muxudiin Buur-Seexde, halka sadax dhaawaca ah labo kamid ah ay xaaladoodu liidato.
Sanad waliba kooxaha burcad Koonfur Afrikaanka ah ayaa dalkaasi ku dila tobanaan ganacsato Soomaali ah iyagoo sidookale boob ugaysta goobahooda ganacsi, kumanaan Soomaali ah ayaana wadankaan ku leh ganacsiyo kala duwan.