Weerar hubeysan ayaa ka dhacay degmada Aseko ee gobolka Oromia ee dalka Itoobiya.
Weerarkan ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday goob kaniisad ah ay ku sugnaayeen baadariyaal dhowr ah.
Waxaa ilaa hada la xaqiijiyey dhimashada ilaa 6 ruux oo uu ku jiro mid kamid ah baadariyaasha deegaanka kuna sugnaa gudaha kaniisada sida gaar ah loo bartilmaameedsaday.
Sidoo kale waxaa weerar lagu ekeeyey qaar kamid ah dhismayaasha ay daganaayeen dadka shacabka, waxaana jira tira dhaawacyo ah oo halkaasi ka dhashay.
Sida xogaha ay tibaaxayaan waxaa weeraradaan xoogan fuliyey kooxaha mucaaradka ah ee OLA.
Tani ayaa kusoo beegmeysa xilli xiisada ka taagan dalka Itoobiya ay faraha kasii bexeyso marba marka ka dambeysa, dhanka kalana wadanka uu wajahayo xaalad dhaqaale xumi oo aad u daradan Abeyna uu dhaqaalihii yaree ee wadanka uu u gacan galiyey ha’adaha reer galbeedka.
FAAFREEB PRO