Qoorqoor oo Markii ugu Horeysay ka Hadlay Hubkii Lagu Furtay Caabdu-Waaq.

Aug 18, 2024

Murtad Qoorqoor oo bogaadiyay hubkii ay dadka deegaanka Caabudwaaq ka furteen maleeshiyaad katirsan kooxda riddada isagoo ku sifeeyay tallaab wanaagsan.

Markii ugu horraysay hoggaamiyaha maamulka ashahaadda ladirirka ah ee isku magacaabay Galmudug ayaa ka hadlay hubkii faraha badnaa ee bishii lasoo dhaafay ay maleeshiyo beeleedyo hubaysan ka furteen ciidamo katirsan kooxda Riddada Soomaaliya.

Axmed Kaariye Qoorqoor oo gaaray degmada Balanballe ayaa sheegay in uu bogaadinayo dagaalkii ay maleeshiyaad deegaanka ah lagaleen ciidamo katirsan kooxda Riddada kadibna ay ka furteen saanado hub ah oo lagasoo waariday dhanka dowladda Xabashida Itoobiya.

Qoorqoor ayaa sheegay in hubkaas uu ahaa mid ay soo daabuleen wax uu ugu yeeray qowlaysato dambiilayaal ah oo doonayay in ay ku ridaan maamulkiisa islamarkaana ay ku hubeeyaan qabaa’illada gobolka Galguduud.

isagoo weerarayay taliyihii hore ee sirdoonka kooxda ridada ahna musharax utaagan xilka madaxweynaha maamulka asha-haadda ladirirka Galmudug ayuu qoorqoor tibaaxay in ay tallaab adag ka qaadi doonaan cid walba oo hub lasoo gasha deegaannada uu maamulkiisu ka taliyo.

“Reer Balan-bale waxaa ku amaanayaa waa meeshii laga soo galin rabay hubkii masiibada dalka ku ahaa ee ay qowleysatadu dooneysay iney wadanku ku gubaan Galmudugna ay ku gubaan qabaa’ilkana la iskugu diraan,waana meeshii kashiftay waxaas oo dhan” waxaa sidaas yiri murtad Qoorqoor.

Hadalka kasoo yeeray Qoorqoor ayaa xaqiijin u ah warar horay layskula dhax qaaday baraha bulshada oo sheegayay in isagu uu maleeshiyaad deegaanka ah siiyay xogta hubka laga keenay Itoobiya sidaasna uu ku dhacay dagaalkii Hiir Madoow ee duleedka Balanaballe wuxuuna dagaalkaas sababay 14 qof oo ubadnaa maleeshiyaadka kooxda ridada iyadoona gaadiid hub farabadan siday uu ugacan galay dadka deegaanka.

Khilaafka udhaxeeya siyaasiyiinta maamulka ashahaadda ladirirka Galmudug ayaa gaaray meeshii ugu xumeed waxaana lasaadaalinayaa in uu isku bedeli doono gacan ka hadal hubaysan.

Kusoo biir janaladeena Telegram-ka 👇

https://t.me/faafreeb_240

https://t.me/faaf_breaking1

https://t.me/Faafka5555