Maamulka gumeystaha yuhuuda ayaa markale gudaha Lubnaan ka fuliyey duqeyn ay dad badan ku geeriyoodeen xilli ay sii karaar qaadaneyso xiisada u dhexeysa ururuka isugu yeera Xisbullah iyo gumeystaha.
Duqeynta ayaa si gaar ah kaga dhacday halka lagu magacaabo Waadi Kafuur ee ka tirsan gobolka Nabadhiyah ee Koonfurta Lubaan, waxayna gantaaladu haleeleen sida ay xogtu sheegeyso dhismo ay daganaayeen qoys kasoo jeeda dalka Suuriya.
Inta la xaqiijiyey ilaa hada waxaa halkaas ku geeriyooday toban ruux oo ay ku jirto haweeney iyo labadeeda caruur, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo fara badan oo qaarkood hada lagula tacaalayo isbitaalada wadankaas, waana sida ay soo gudbiyeen hay’adaha caafimaad ee Lubnaan.
Maamulka gumeytaha yuhuuda oo uu war kasoo baxay duqeyntaas kadib ayaa sheegay in meesha ay beegsadeen ay xarun hubka lagu keediyo ay u ahayd ururka isugu yeera Xisbullah, walow ay iyagu dhankooda sheegeen in goobta uu gumeystuhu ku garaacay gantaalu ay ahayd aag ay ku noolaayeen dad rayid ah.
Xiisada dhinacyada ayaa si aad ah ugu muuqata mid sii karaar qaadaneysa, waxayna tan iyo 8 Octobar 2023 oo ah maalin kadib markii uu bilowday howgalka Duufaanta Al-Aqsa ay dhiancyadu isweydaarasanayaan weeraro aad u culus, oo uu mid waliba ku waayey rag muhiim u ahaa.
Kusoo biir janaladeena Telegram-ka 👇