Waxa uu saacadihii lasoo dhaafay hadal kasoo yeeray madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden kasoo ku aadanaa heshiiska xabad joojineed ee la qorsheynayo inuu ka dhoco gudaha Qaza.
Waxaa ninkan sheegay in ka Washington ahaan ay arinkaas ka muujinayaan niyad jab, maadaama ay dhinacyadu isku mari la’ayihiin qodobada heshiiska, mid walibana uu miiska soo saartay shuruudo mararka qaar u muuqda iney adagtahay fulintooda, waa sida uu hadalka u dhigee.
Waxa uu Joe Biden soo hadal qaaday in hogaamiyaha maamulka gacan ku rimiska ah ee isku yeera Israel Binyamin Natanyaahu uu soo bandhigay shuruudaha cusub oo adag, taasina waxay sababtay buu yiri in intaan oo idil ay soo gaaraan wada hadalada walina la isku mari la’ayahay.
Dhanka kale hogaamiyaha aqalka cad ayaa isagoo isku muujinaya inoo ka xunyahay waxa ka socda Qaza waxa uu tibaaxay in wali ay leeyihiin rajo yar oo ku aadan iney hirgasho xabad joojinta.
Hadalka kasoo yeeray Biden ayaa kusoo beegmay xilli horaantii isbuucan uu deegaanada ku hoos jira gacanta ixtilaalka uu gaaray wasiirka arimaha dibada Mareykanka Antony Blinken, isagoona kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha yuhuuda iyo Binyamin Natanyaahu, walow warbaahinta si siyaasadeesan looga qariyey waxa rasmiga ah ee uu daaranaa socdaalkaasi.
FAAFREEB PRO