Dibad baxyo xooggan oo ay ka qeyb gelayaan kumanaan kun oo ruux ayaa saaka aroortii hore ka billaawday qaar kamid ah waddooyinka mashquulka badan ee magaalada Muqdisho.
Iskusoo baxyada ayaa ka billaawday isgoyska Bakaaraha waxayna kusii fideen dhanka isgoyska KPP iyo Dabka,dadka ka qeyb gelaya dibad baxyada ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah dowladda Federaalka.
Dadka ayaa ka cabanaya lacagaha canshuuraha xad dhaafka ah ee ay kusoo rogtay wasaaaradda Maaliyadda ridada, dhinaca kale waxaa maalintii 2aad oo xiriir ah xiray suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn dalka Soomaaliya.
Dad fara kutiris ah oo iyagoo lugeynaya gudaha ugalay suuqa ayaa soo sheegay in dhammaan goobaha ganacsiga ay albaabadu ulaabanyihiin, ganacsatada iyo shacabka ayaa si isku mid ah uga gedooday baada dulsaarka ah ee lagusoo rogay.
Kusoo biir janaladeena Telegram-ka 👇