Majalada Bloombarg ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa daabacday maqaal ay ku faaqideyso hadal kasoo yeeray afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran ninka lagu magacaabo Cali Maxamed Naa’iini, kaasoo daaranaa arimo la xiriira howgallada ay yuhuuda ka fulinayaan gudaha Iran iyo sababta ay xukuumada Tehran ugu muuqato mid gacmaha isa saaratay.
Waxa uu ninkan sheegay in ka Iran ahaan aysan mooganeyn waxa uu sameynayo maamulka isugu yeera Israel, balse ay la aamusanyihiin qorshooyin millitari ayna qaadi doonaan talaabo wax ku awl ah marka la gaaro waqtiga munaasabka ah.
Waxa uu Naa’iini sidoo kale sheegay in markan aysan qaadi doonin talaabooyin jawaab celin ah oo lamida kuwii hore ay ugu dhaqaaqeen ee u muuqday kuwa fashilmay, balse ay qaadi doonaan markan mid dharbaaxa adag ku noqon doonta yuhuuda iyo inta dacmisa ee har iyo habeen garab taagan, waa sida uu ahdlka u dhigee.
Dhanka kale afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran waxa uu soo hadal qaaday heshiiska xabad joojineed ee la doonayo inuu ka dhaco Qaza ee mudooyinkii sida aadka ah loo kar karinayey, waxa uu sheegay in Mareykanka dhax daxaadintiisa aysan ahayn mid daacadnimo ku saleysan, balse u uku hoos wato dana gaar ah iyo in fagaaraha uu ka saaro askarta yuhuuda ee lagu feenanayo marba marka kasii dambeysa.
Kadib soo yeeritaanka hadalkan hanjabaada ah ee ka yimid dhanka afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran, waxaa si aad ah baraha kala duwan ugu faafay hadal-heyn xoogan oo ku aadan hadii ay Tehran markan qaadi doonto weerar dhaama kuwii hore oo jawaab cad ah, maadaama midkii ugu dambeeyey ee ay ku qaaday gudaha talaabiib uu caalamku ku fasirtay masraxiyad kooban oo ay Iran dooneysay iney ku mada daaliso bulshada dunida.
FAAFREEB PRO