Murtad Cabdi Raxman Caynte oo kamid ah mas’uuliyiinta Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa qiray kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan adeegyada ay bixiyaan maamulada wilaayaatka islaamiga ah ee ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Murtadkaan ayaa tusaale usoo qaatay adeegyada gorsoor ee shacabka Soomaaliyeed ay ka helaan maxkamadaha shareecada islaamka, oo uu qiray in ay fuliyaan xukuno ku dhisan cadaalad.
Bulshada ayuu sheegay in ay kalsooni ku qabaan xukunadaasi, islamarkaana ay yihiin kuwa hirgala.
Dhanka kale ayuu barbardhig kula sameeyay maxkamadaha dawaaqida ah ee ridada, oo uu sheegay in aysan kalsooni ku qabin bulshada Soomaaliyeed islamarkaana aysan fulin awaamirta kasoo baxda.
HOOS KA DAAWO QIRASHADA MURTADKAN
Ma ahan markii ugu horaysay oo mas’uul katirsan Kooxd Ridada Soomaaliya uu qiro horumarka kajira wilaayaatka islaamiga ah iyo adeegyada ay bixiso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ay mahadiyeen bulshada Soomaaliyeed.
Madax,siyaasyiin,saraakiil ciidan iyo xubno kale oo katirsan ridada ayaa dhowr jeer jeediyay hadaallo kuwaas lamid ah, iyagoo dhanka kale ka dayrinaya adegyada ay bixiyaan maxkamadaha dawaaqida ah ee xeerarka gaalada wax ku xukuma.