Waxaa saacadihii lasoo dhaafay la xaqiijiyay dhimashada ilaa 28 qof u dhashay dalka Pakistan.
Tani ayaa timid ka dib markii uu shil bas ka dhacay gobolka Yazd oo ku yaalla bartamaha waddanka Iiraan.
Waxaa sidoo kale shilkaasi ku dhaawacmay ilaa 23 ruux oo kale.
Xogaa ayaa inaas ku daraya in baska shilka galay uu ku wajahnaa magaalada Karbala ee dalka Ciraaq waxa uuna waday ilaa 53 qof oo rakaab ah.
Agaasimaha Guud ee maareynta musiibooyinka ee gobolka Yazd ,Cali Malekzadeh ayaa laga soo xigtay in dadka shilka ku dhintay ay isugu jiraan 11 haween iyo 17 rag ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in 7 ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladooda caafimaad liidato halka 6 la daaweeyay oo isbitaallada laga saaray.
Iiraan waxay kamid tahay dalalka caalamka ee ay aadka ugu badan yihiin shilalka, waxaana sanad kasta gudaha waddankaasi laga diiwaangeliyaa 17,000 oo dhimashooyin ah .
Kusoo biir janaladeena Telegram-ka 👇